Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo kulamadooda Kooram la’aan u furmi la’

by admin | Tuesday, Dec 3, 2019 | 532 views

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa maalintii labaad ee isku xigta waxa uu u baaqday kulankooda kooram la’aan iyadoo intabadan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ka maqan yihiin magaalada Jowhar oo ah xarunta maamul goboleedka Hirshabelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo muddo bilooyin ah aan wax kulan ah yeelan ayaa waxaa la furay kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka Hirshabelle 30kii Oktoobar 2019,mana jiro illaa iyo hadda wax kulan ahoo uu Baarlamaanku yeeshay.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa dhowaan dib ugu soo laabtay Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Hirshabelle isagoo ku maqnaa magaalada Beledweyne iyo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle aan u sugneyn Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Cabdulaahi Xuseen.

Like it? Share it!

Leave A Response