XIldhibaanada baarlamaanka oo maanta yeelanaya kulan

by admin | Monday, Sep 24, 2018 | 803 views

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Isniin ah, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay xildhibaanada kaga doodayaan xeer hoosaadka baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar deglinaya kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka, kadib markii kalfadhigii Saddexaad lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen shaqooyinkii waajibka ahaa ee hor yaallay.

Like it? Share it!

Leave A Response