Xildhibaanada Golaha Shacabka oo codka kalsoonida u qaadaya Mooshinka Jawaari

by admin | Monday, Apr 9, 2018 | 980 views

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, waxaana kulankan uu yahay mid xiisad siyaasadeed wata oo aad dadka shacabka ah ay u hadal hayaan.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa shalay gelinkii dambe xildhibaanada u kala diray fariin ah in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, Ajandihiisana uu yahay cod u qaadista Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Maanta waxay u badan tahay in xildhibaanada ay codka kalsoonida u qaadaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, maadaama tiro Saddex jeer ah uu baaqday kulanka Baarlamaanka, kadib markii lagu kala tagay buuq iyo muran siyaasadeed.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee Muqdisho, gaar ahaan waxaa aad lo adkeeyay ammaanka wadada Maka Al-mukarama oo gasha Madaxtooyada.

Dadka shacabka ah ayaa aad u hadal haya kulanka maanta ee xildhibaanada, waxaana laga cabsi qabaa in maanta uu gacan ka hadal ka dhaco xarunta Golaha Shacabka, maadaama xildhibaanada ay laba u kala qeybsan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response