Xildhibaanada Hirshabeelle oo Go’aan cad ka gaaray Amni-darada ka jirta Wadada isku xirta Jowhar & Balcad

by admin | Friday, Jun 22, 2018 | 892 views

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay qaraxyo iyo Falal amni darro oo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay ka wadaan deegaanada qaar ee hirshabeelle gaar ahaan wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Magaalada Jowhar.

Xildhibaan Daqarre ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay Masuul ka tahay falalka amni darada ah ee ka dhacay deegaanada u dhexeeya Jowhar iyo Muqdisho,maadaama sida uu sheegay xildhibaanku madaxda dowladda gaar ahaan MD-ne Farmaajo uu yahay taliyaha guud ee CXD ayna ku xirantahay oo kaliya sugidda amniga wadadaas halmar oo si sax ah uu MD-nuhu amar ku bixiyo in ciidamada Amnigu si dhab ah u howl-galaan.

Waa uu sii hadlay waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si aan ka gambasho lahayn ay u hagratay sida uu hadalka u dhigay shacabka deegaanada Hir-shabeelle ku nool,ciidamada AMISOM ayuu dhan kale sheegay in iyaguna aysan ka hayn deegaanada Hir-shabeelle shaqadii ay u tageen taasi oo u baahan buu yiri in wax laga weydiiyo.

Dhibaatooyinkii ka jiray Wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ayaa weli haatan,waxana shalay gelinkii dambe qaarx lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM xilli ay marayeen deegaanka Ilbiq oo u dhow tuulada Gololeey ee degmada Balcad  ee gobolka shabeelaha dhexe .

Like it? Share it!

Leave A Response