Xildhibaanada Hirshabeelle oo mooshin ka wada MD Waare,wacadna ku maray iney…

by admin | Thursday, Jul 19, 2018 | 1002 views

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay iney wadaan mooshin ay ka diyaarinayaan madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare,kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu gudan waayay qeyb ka mid ah waajibaadkii loo igmaday.

Xildhibaanada oo aad ugu u dhararayay furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wacad ku maray in agendaha ugu horeeyo ee Baarlamaanka uu yahay mooshin laga diyaarinayo madaxweyne Waare oo ay ku sheegeen inuu ku fashilmay sugida Amniga deegaanada Hirshabeelle.

 

Waxyaabaha ugu waa weyn ee Xildhibaanada ay ku doodayaan waxay tahay in shaqo hufan aysan ka socon xafiisyada Hay’adaha kala duwan ee Maamulka Hirshabeelle,islamarkaana fariisinka ugu weyn ee Madaxda uu yahay magaalada Muqdisho shacabkiina la dayacay.

 

Ammaanka wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho oo aad u xun laguna dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa arrinta mooshinka sii qaraarisay,waxayna Xildhibaanada ku doodayaan iney diyaar u yihiin keenaan mas’uul shacabkiisa si daacad ah ugu adeega.

Kal-Fadhiga 4aad Ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo furmay 12-kii bishan Julay Ayaa Waxaa Looga Hadli Doonaa Ajandayaal Dhowr Oo Horyaala Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle,Sida Ammaanka Iyo Dagaal Beeleedyada Ka Soo Cusboonaaday Deegaano Ka Tirsan Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response