Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho.

by admin | Wednesday, Jul 10, 2019 | 1027 views

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

 

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Duulista Hawada ee Rayidka iyo Akhrinta 3aad ee Xisaab Xirka Sanadka 2017.

Xildhibaanada ayaa loo diray fariimo muujinaya in kulanka Golaha shacabka uu maanta furmaya, iyadoona xildhibaanada lagu amray in aysan ka maqnaan Karin kulanka.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saaka Aad loo adkeeyay, iyadoo la dhigay Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xirey.

Like it? Share it!

Leave A Response