Xildhibaanno ka soo jeeda Hirshabeelle oo ku wajahan Baladweyne

by admin | Thursday, Jun 13, 2019 | 763 views

Xildhibaannada labada aqal ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolkaas.

Xildhibaannadan ayaa doonaya in ay xalliyaan khilaafka ka taagan Magaalada Baladweyne ee u dhaxeeya Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Hiiraan iyo Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaannadan waxaa horkacaya Daahir Amiin Jeesow,waxaana uu sheegay in aysan ahayn wax la qaadan karo in Ciidamada dowladda Federaalka ah ku lugyeeshaan dagaalka ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Daahir ayaa sheegay in isku dayi doonaan in ay xalliyaan xiisadda hadda ka taagan Gobolka inta aysan gaarin heer ka xun midka ay maanta taagan tahay.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xalay ku hoyday Baladweyne waxaana socday banaanbax isaga ka dhan ah oo ay dhigayeen taageerayaasha Yuusuf Axmed Hagar.

Like it? Share it!

Leave A Response