Xildhibaanno Mooshin Ka Gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

by admin | Wednesday, Sep 12, 2018 | 52 views

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo mooshin laga soo gudbiyey guddoomiyaha baarlamaankaasi Cali Gacal Casir.

Waxa uu sheegay Xareed in mudane Casir ay mooshin kasoo gudbiyeen 89 xildhibaan, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay 10 cisho gudahood inuu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyey.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in xilligan wixii ka dambeeya aanu guddoomiye Casir haysan awood uu ku shir guddoomiyo maadaama mooshin uu ka yaallo.

“Waxaan halkaan ka caddeynayaa iney isoo gaartay mooshin ka dhan ah guddoomiyahii baarlamaanka Galmudug, mooshinkaasi oo ay ii soo gudbiyeen xildhibaanno tiradoodu gaareyso 89” ayuu yiri Xareed.

Muddooyinkan dambe waxaa jiray khilaaf ka dhaxeeyey madaxda sare ee maamulka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response