Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo War Ka Soo saaray Arintii Mudane Mukhtaar Roobow iyo Xaraashkii Shidaalka Somaliya

by admin | Saturday, Feb 9, 2019 | 980 views

JUSTICE & SECUURTY PARTY  XISBIGA AMNIGA &CADAALADA __10/February 2019___mogaidsho___
Warsaxaafadeed  Xisbiga AMNIG iyo CADAALAD wuxuu walwal xoogan ka qabaa shir ay soo qabanqaabisey xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada Spectrum oo 07 bisha 2aad 2019 lagu qabtey magaalada London, kaas oo lagu beecinayey xirmooyin 50 (Blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku deetsan dhul baxaadiisu tahay, 173 kun oo km. Xaraashka (Auction) xirmooyinka shidaalka ayaa la qabtey iyadoon hal qodob laga laga fulin heshiiskii ay 05 bishii 6aad 2018 magaalada Baydhabo ku gaareen Dawlada dhexe iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya:-

1) In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo 2-da aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

2) In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sarreeya ee lagu lafa guro Arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

3) In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Batroolka. Xukuumadu ma dhisin hay’adaas.
Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Xukuumadu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso ujeedka shirka uu yahay xog wadaag, laakiin waxaa lasoo bandhigey inta shirka socodey xirmooyin sidaa darteeda Xisbiga AMNIGA & CADAALAD wuxuu canbaareynayaa shirkaas iyo wixii kasoo baxey waxaana shir xaaraan ah oo aan sharciga waafaqsaneyn.
Sidoo kale xisbugu wuxuu soo dhoweynayaa dibadbaxyadii kadhacey london kaas oo looga soo horjeedey xaraashka hantida soomaaliyeed
Ugu danbeen xisbiga AMNI IYO CADAALAD wuxuu soo dhoweynayaa wadahal Usocoda IGAD ay ku dooneyso Arimaha sheekh mukhtaar Roobow oo si sharci daro ah uga xiran dowlada soomaaliya. IGAD ayaa ku soobiirtay Wadadalka Dowlada Soomaaliya iyo Mudane Mukhtaar Roobow Hada Wixii Ka Dambeyo Lasoco Xogta  Mukhtaar Roobow Hadii Allah Edmo Xafiiska warfaafinta xisbiga AMNI & CADAALAD

Like it? Share it!

Leave A Response