Xisbiga Musharax Daahir Geelle oo War kasoo saaray heshiiska doorashada{AKHRISO}

by admin | Friday, Sep 18, 2020 | 478 views

Xisbiga Dan Qaran ee uu hoggaamiyo Musharax Madaxweyne Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo dhaweeyay heshiiska doorashada oo ay Villa Soomaaliya ku gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Dan-Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in Xisbiga uu niyad wanaag u muujinayo sida looga bogsaday in wax muddo kororsi ah carrabka lagu ballaariyo,sidoo kale uu ka digayo in lala yimaado isku day muddo kororsi si loogla yimaado siyaasad nabdoon oo turxaan la’

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay aad uga liidato fulinta heshiisyada,iyada oo loogu baaqay in heshiiskan aan la hagar daamin.

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka oo dhameystiran.

Like it? Share it!

Leave A Response