Xisbiga Sheekh Shariif oo ku guuleystay dacwadii maamul ee Maxkamadda sare

by admin | Thursday, Apr 9, 2020 | 438 views

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aan ka gaartay dacwadii u dhaxeysay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo Hey’adda Saadaasha Hawada.

Dacwadan oo aheyd mid maamul ayuu horay Xisbiga Himilo Qaran uga gudbiyay Hey’adda Saadaasha Hawada, taasoo la xiriirtay xayiraadii safar ee bishii September ee sanadkii hore la saaray Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo.

Qareenka u doodayay Xisbiga Himilo Qaran oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Sheekh Koofi ayaa sheegay in Xisbiga Himilo Qaran uu ku guuleystay dacwadaas, isla markaana Maxkamadda ay amartay in magdhow ka bixiyaan xayiraada safarkaas.

“Kaddib markii go’aankii muddo laga dhursagayay uu soo baxay, aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay in Maxkamadda sare dhowrtay ama ilaalisay sareynta sharciga iyo danta guud ee Cadaaladda, waa u mahadcelinayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo garsoorayaasha Maxkamadda sare in go’aankaas cadaalada ku dhisan ee sharciga iyo shuruucda dalka ay soo saartay, xukunka annaga ayuu noo dhacay, xisbiga himilo qaran ayaa loo xukumay”ayuu yiri Qareenka u doodayay Xisbiga Himilo Qaran.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa labo jeer oo hore u fariisatay dhageysiga dacwada maamul ee Xisbiga Himilo Qaran ka gudbiyay Hey’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada.

Si kastaba ha ahaatee Xisbiga Himilo Qaran ayaa la filayaa inuu ka soo saaro war rasmi ah oo ku aadan dacwada uu ku guuleystay iyo xukunka Maxkamadda sare uu u riday dhankooda.

Like it? Share it!

Leave A Response