Xisbiyada Mucaaradka ah oo ka hadlay Codsigii Madaxweyne Farmaajo ee Cunaqabateynta Eritrea.{.{Akhriso}

by admin | Friday, Aug 3, 2018 | 999 views

War Saxaafadeed ay wadajir usoo saareen Xisbiyda; Daljir,Kulan, Wadajir iyo kutlada Horusocod ayey uga ahdleen baaqii Todobaadkii hore ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ee la xiriiray in Cunqabateynta laga qaado Dowladda Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Asmara xiligaas ka sheegay inuu ka codsanaya Qaramada Midoobe iney qaado cunaqabateynta Saaran Xukuumada Asmara tan iyo sanadii 2009.

Xisbiyadan, waxey tilaabo aan ka fiirsi leheyn oo niyad jab ku ah Jamhuuriyada Jabuuti oo saaxiib dhow la ah Somaliya ku tilmaameen baaqii Madaxweynaha Somaliya, Waxeyna soo dhaweeyeen in dib loo soo noolooye xiriirkii Somaliya iyo Eritrea.

War Saxaafadeedka ay soo saareen Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada mucaaradka ah, waxey sidoo kale ku sheegeen in Dib usoo celinta Xiriirka Eritrea ay la leheyd Somaliya iyo Jbauuti aaney ku filneyn oo kaliya hal kulan, taasoo xal ukeeni karin Khilaafka snaadaha soo jiitamayay.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan ayaa subixii Arbacada  ka dhoofay magaalada Muqdisho, inkastoo aan si rasmi loo sheegin sababta iyo inay la xirriirto walaaca Jabuuti ka qabto Safarkii Madaxweynaha ee Eritrea.

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/08/

Like it? Share it!

Leave A Response