XOG: C.C.Shakuur oo la ogaaday inuu Nairobi ka wado Qorshe halis ku ah DF

by admin | Thursday, Apr 19, 2018 | 907 views

Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in Siyaasiga Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka C/raxmaan C/shakuur Warsame kullamo uu magaaladaasi kula leeyahay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya iyo Beesha caalamka.
Illo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa inoo sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu Mas’uuliyiinta Beesha caalamka iyo Kenya kala hadlayo sidii loo taageeri lahaa Xisbigiisa Wadajir ee uu doonayo inuu doorashada madaxweynaha 2020-ka ku soo galo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xayiraadii dhanka safarka ah ka qaaday Hogaamiyaha Siyaasiyiinta Mucaaradka,wuxuuna markaasi u duulay magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dowladda ku dhaliilay waxqabad la’aan,waxayna taasi keentay in Ciidamada NISA ay weerar ku qaadeen guriga oo uu ka deganaa Muqdisho halkaasina looga dilay 6-ka mid ah ilaaladiisa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney magdhow ka bixisay askarta la dilay lana siiyay Ehaladooda,sida C/raxmaan C/shakuur uu sheegay.

Like it? Share it!

Leave A Response