Xog Cusub Oo Laga Haley Mooshinkii Jawaari, Farmajo Iyo Kheyre Oo Ay Ka Dhex Tolan Tahay{Akhriso}

by admin | Saturday, Mar 24, 2018 | 1198 views

Waxaa la helayaa xogo cusub oo ku saabsan halka uu marayo mooshinka guddoomiye Jawaari, iyadoo dhanka kale, arrinta mooshinka ay keentay khilaaf hor leh.

Arrinta la isku qabtay ayaa ah, kadib markii uu madaxweynaha aad uga carooday qarashka badan ee Ra’iisul asaare Xasan Cali Kheyre ku bixinayo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha shacabka.
Kheyre ayaa u sheegay Farmaajo inuu sameynayo wax walbo oo Jawaari looga saarayo aqalka golaha shacabka ah.
Hadda waxa uu u muuqdaa in khilafkii jiray uu garay madaxweyne Farmaajo, xaaladana ay sii adkaan karto.
Dhanka kale, xildhibaannada golaha shacabka ayaa hadda ku wareersan lacago badan oo ay soo kala bandhigayaan Jawaari iyo Kheyre, iyadoo suuqa dhanka Jawaari uu aad uga socdo.
MAXAA LA FILAN KARAA
Sida ay hadda wax ku socdaan waxaa hubaal ah in lagu kala bixi doono mooshinkan oo aan wax wadahadal ah laga galeyn.
Guddoomiye Jawaari haddii uu ka badbaado mooshinkaan waxaa la hubaa in Kheyre uu bixi doono, balse haddii Jawaari uu baxo waxaa la hubaa guusha Kheyre.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in howsha ka socota Muqdisho ee mooshinnada tahay mid aad u adag, iyadoo laga war sugayo sidey wax noqon doonaan.
SAAMEYNTA DHAQAALE
Mooshinadan socda ayaa saameyn dhaqaale oo weyn ku reebay magaalada Muqdisho, gaar ahaan shaqaalaha dowladda.
Shaqaalaha iyo ciidamada DFS ma aanay helin wax mushaar ah, Labada bil ee soo socotana ma filayaan iney helaan mushaarkooda, sababtoo ah xukuumadda ayaa is difaacis ku jirta.

Like it? Share it!

Leave A Response