XOG CUSUB: Weeraro Qaraxyo oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan Xarumaha Maamul Gobaleedyada

by admin | Tuesday, Sep 11, 2018 | 946 views

Warar hoose  ayaa sheegaya in Sirdoonka Soomaaliya uu helay Xog ku saabsan Weeraro laga cabsi qabo in lagu qaado Xarumaha Dowlad Gobaleedyada.

Ciidammada Dowlada iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ayaa lagu war geliyay inay si gaara kaga taxadaraan amaanka Magaalooyinka ugu waa weyn ee Maamul Gobaleedyada.

Al shabaab ayaa kordhiyay Weerarada Qaraxyada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidammada Amaanka Soomaaliya ay ku faanaan inay ka hortagaan Weerarada balse xitaa aan la heynin ka daba tag ama baaritaan natiijo ay ka dhalatay.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in gawaari Qaraxyo ah ay ogaadeen in lagu diyaarinayo meelo ka mid ah Dowlad Gobaleedyada balse waxaan si cad loo sheegin Magaalada uu weerarkaasi laga cabsi qabo ku wajahan yahay.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Soomaaliya ayaa dagaal xoog leh kula jirta Al shabaab, iyadoo Ciidammada amaanka ay gacanta ku dhigeen Horjoogayaal ka tirsanaa Al shabaab oo Muqdisho iyo Gobalada dalka lagu qabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response