Xog: Halis aad u wiiqi karta qorshaha DF Soomaaliya oo ka taagan furimaha dagaalka

by admin | Wednesday, Jan 25, 2023 | 193 views

Kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan uga socdo gobolada dalka ayaa waxaa soo baxeysa in weli kooxda ay madaxa ciidda ka ceshaneyso ayada oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Arrinta halista ah ee laga soo warinayo furimaha dagaalka ayaa ah in ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas ay rasaasta ku bedashaan ama ku iibsadaan qaadka, oo isagu ah dhibaato horleh oo wiiqi kara haddii aan wax laga qaban guulaha laga gaaray Shabaab.

Ganacsatada Qaadka geysa deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ayaa lasoo sheegaya in ciidamada ay qaadka kaga iibiyaan rasaasta, waxaana rasaasta qaadka looga badasho ciidamada dib looga sii iibiya kooxda dagaalka lagula jiro ee Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga ayaa sidoo kale xaqiijiyay jiritaanka arrintaan, isaga oo sheegay in arrintan ay timid maadama aysan lacag haysan ciidamada ku sugan furinta si ay ugu iibsadaan qaadka oo ay kusoo jeedaan habeenkii oo dhan, sida uu sheegay.

“Jaadlayaasha markay geeyaan meesha waa la qarinayaa waa sheegayna oo madaxdana waa u sheegayna waxaa la leeyahay rubuca jaadka waa 5 xabadood rasaas ah shan nin oo cadow ah ayaa ku dili laheyd, qeybta jaadka waa marduuf badhkeed waa 10 xabadood, marduufka waa 20 xabadood,” ayuu yiri.

by TaboolaYou May Like
How Las Anod could derail Somaliland’s independence quest?
Xog cusub oo laga helay raggii weeraray xarunta gobolka Banaadir + Video
Sawirro: Meydadka Shabaab-kii maanta weeraray xarunta gobolka oo lasoo bandhigay
“Marka ciidanka, guutada dhan ee meesha degan ay jaadkaas muddo ku socdaan maalinta dambe rasaastaas kuligeed Shabaab ayay gaareysa oo laga gadaya, markaas adiga ayaa berri subax lagugu soo weeraraya.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Marka ay is ogaadaan in midkiiba shan xabo ama toban xabo uu haysto qiyaastii, inta aad ka gaarin sanaaduuqdii rasaasta in la furo ayaad arkaysaa iyaga oo dhuunta kasoo galay.”

Arrintaan ayaa halis ku ah qorshaha dagaalka socda oo ah in muddo kooban lagu wiiqo kooxda Al-Shabaab, ayna tahay in si degdeg ah wax uga qabato dowladda federaalka oo dagaalkan ku hogaamineysa dalka, sida ay qabaan dadka ka faaloonaya dagaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response