Xog: KENYA oo ku gacan seertay codsi iyo qorshe ka yimid FARMAAJO

by admin | Sunday, Apr 7, 2019 | 804 views

Dowladda Kenya ayaa diiday codsi ka yimid madaxweynaha Somalia oo ku saabsan dagaal-xooggan oo la qorsheynayo in lagu qaado kooxda Al-Shabaab, Xoghoose.com ayaa sidaas ogaatay.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheynaya dagaal xooggan oo ciidamada Soomaaliya, Itoobiya, Uganda iyo Kenya ay si wada-jir ah ugu qaadaan Al-Shabaab, si dalka looga xoreeyo.

Hase yeeshee, Kenya oo ciidankeeda ay ku xooggan yihiin gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ka cago jiidaysa qorshahan. Iskana dhaaf inay dagaal ka qeyb qaataan’e, waxay baneynayaan goobo hor-leh oo kadibna ay buuxinayaan Al-Shabaab, taasi oo caqabad ku noqotay dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa sidoo kale diiday in ciidamo kale oo buuxiyo ay u dirto saldhigyadii ay ciidamadeeda faarujiyeen, oo uu ugu dambeeyey saldhigga Busaar ee gobolka Gedo.

Ilo-wareedyo amni ayaa dhinaca kale Xoghoose.com u sheegay in ciidamada Kenya ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan saldhigyo kale oo ku yaalla gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Codsi gaar ah, oo madaxweyne Farmaajo uu u diray madaxweyne Kenyatta ayaa la sheegay inuu ku diiday in ciidamadiisa ay ka qeyb-galaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa muhiim u ah dagaal kasta oo Al-Shabaab looga xoreynayo koonfurta Soomaaliya. Inkasta oo ciidamo kale oo Amisom ah loo diri karo goobaha ay ka baxeen Kenyan-ka, haddana taas waxay qaadaneysaa qorshe bilooyin ah iyo qarash badan, xilli dowladda aysan hayn waqti badan oo sanadkan kadib ay galeyso isku diyaarin doorasho.

Like it? Share it!

Leave A Response