XOG: RW Kheyre oo ku fadeexeysan weerarkii Guriga Senator C/Qeybdiid(Xog dhameystiran)

by admin | Saturday, Mar 24, 2018 | 1186 views

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid inuu lugaha la galay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Inkastoo Xasan Cali Kheyre oo horay weerarka uga hadlay uu sheegay inuu ka xun yahay,islamarkaana amray laamaha amaanka in baaritaan deg deg ah ku sameeyaan ayaa haddana lagu waramayaa inuu si hoose u amray weerarka.
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wali ka aamusan tahay weerarka gurigiisa lagu qaaday,islamarkaana taasi muujineyso in si toos ah ugu lug leedahay wixii gurigiisa ka dhacay.
Xildhibaanada Aqalka sare ayaa hadda u fadhiya sidii gudi loogu saari lahaa baaritaanka weerarka,maadama guddigii hore aanay xog dhameystiran ka keenin weerarka iyo cida ka danbeysa.

Like it? Share it!

Leave A Response