Xog: Waare iyo DF oo kala fogaaday – Waare oo looga baxay heshiiskii lagu soo xero geliyey

by admin | Thursday, Feb 28, 2019 | 1251 views

Khilaaf cusub ayaa mar kale soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, bilo kadib markii uu kasoo goostay isbahaysiga madax goboleedyada lana saaxiibay dowladda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Xoghoose.com u sheegay in khilaafka uu ka dhashay ballamihii dowladda ay kula heshiisay Waare, oo qaar badan oo ka mid ah aan la fulin.

Ilo-wareedyada aan xogtan ka helnay oo ku dhow Waare, ayaa sheegay in arrintan ugu weyn ee la isku qabtay ay tahay maamulka HirShabelle oo waayay qoondadii dhaqaalaha ee uu ka heli jirey dowlada federaalka, oo la joojiyey kadib bilo ay socdeen.

Sida aan xogta ku helnay, Waare ayaa u sheegay qaar ka mid xildhibaanada HirShabelle in dowlada federalka uusan ka helin ballanqaadyadii ay hore ugu fidisay iyo heshiiskii ay gaareen oo ahaa in maamulka HirShabelle la siiyo dhaqaale joogto ah.

Arrintan ayaa hoggaamisay in xildibaanada HirShabelle aysan muddo saddex bil helin wax mushahar ah.

Dad xog-ogaal ah oo arrintan la socda ayaa Xoghoose.com u sheegay in maadaama uu burburay golehii dowlad goboleedyada, aysan dowladda hadda ahmiyad u arkin inay lacag kusii bixiso taageerada madaxweyne Waare.

Waxaa sidoo kale jirtay in dowladda dhaqaale badan ay uga baxday doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed, halka sidoo kalena iminka ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii ay u heli lahayd taageerada maamulka Jubbaland.

Waare ayaa markii uu heshiiska la galay dowladda wuxuu yiri hadal can baxay oo ahaa “Laba goor ayaan dhiman doonaa, haddii inta saaxiibadey waayey dowladdana ay heshiiska igaga baxdo”

Sida ay wararka sheegayaan, Warae ayaa isku dayaya weli inuu si hosoe dowladda ugu cadaadiyo inaysan heshiiska ka bixin ka hor inta uusan si rasmi ah u sheegin in lagu ballan-furay.

Like it? Share it!

Leave A Response