Xog: Xasan Sheekh oo safar kale oo dibadeed u baxaya toddobaadka soo socda

by admin | Friday, Aug 5, 2022 | 441 views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka soo socdo booqasho rasmi ah ku tago dalka Uganda, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen warbaahinta. 

Inkasta oo weli aan la shaacin maalinta rasmiga ah, haddana booqashada madaxweynaha ayaa ku beegan kadib marka la ansixiyo golaha wasiirada, oo la filayo in xildhibaanada golaha shacabka la horgeeyo maalinta Sabtida ah.

Booqashada uu Xasan Shekeh ku tegayo Uganda ayaa ah mid rasmi ah, wuxuuna casuumad ka helay dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni, sida ay ilo-wareedyada noo xaqiijiyeen. 

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadli arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, amniga Soomaaliya oo ay joogaan kumanaan ciidan oo ka socda Uganada iyo qodobo kale oo muhiim. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Kampala kula kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Uganda ayaa noqon doonto dalkii 8-aad ee uu booqdo madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar. 

Dhammaan dalalkaas ayaa muhiim u ah Soomaaliya, waxana isugu jiraan kuwo deris la ah sida Kenya, kuwa ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan iyo kuwa xiriir taariikhi ah oo ganacsi ama diblomaasi la leh Soomaaliya, waxayna Uganda qeyb kasoo galeysaa muhiimaddaas.  

Xasan Sheekh ayaa hal ku dhigga dowladdiisa ka dhigtay “Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah” inkasta oo dadka qaar ay ku dhaliilaan inuu xoogga saaray dunida, oo uu hilmaamay Soomaalidii.  

Like it? Share it!

Leave A Response