Xogaha la xiriira Xulalka Croatia vs Brazil, Netherlands vs Argentina… iyo taariikhda ay ku leeyihiin Koobka Adduunka.

by admin | Friday, Dec 9, 2022 | 291 views

Wareegga 8 dhammaadka Koobka Adduunka oo maanta billaabanaya.

Wareegga 8 dhammaadka ee Koobka Adduunka ayaa maanta billaabanaya waxaana ballansan in ay wada ciyaaraan Xulalka Croatia & Brazil oo is arkaya 6:00 PM (6-da maqribnimo) xilli geeska Afrika iyo kulanka kale oo ay is wajahayaan Netherlands & Argentine 10:00 pm (10ka Habeennimo).

Sabtida waxaa kulmaya Morocco oo ah xulka keliya kasoo Jeeda Qaaradda Afrika & Portugal, waxaa isla habeen dambe is wajahaya England & France oo ah waddanka difaacanaya Koobka Adduunka kuna guuleystay 2018kii.

Haddaba, Xul weliba maxaa uga diiwaangashan Koobka Adduunka?

Xulka Qaranka Croatia ayaa koobkii adduunka 2018kii ee lagu qabtay Russia waxaa ka qaaday France kaddib markii ay ku kulmeen lugtii ugu dambeysay, waxaana sanadkaan abaalmarinta Ballon D’or la siiyay Luka Modric oo ah hoggaamiyaha Croatia.

Brazil, waa xulkii ugu dambeeyay ee America ee qaaday Koobka Adduunka 2002dii, wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa koobkaan qaadayay qaaradda Yurub sida 2006 waxa qaaday Italy, 2010 Spain ayaa ku guuleysatay, 2014 Germany ayaa hanatay & 2018 oo France la tagtay Koobka.

Ciyaartaan waxaa loo xushay in uu dhexdhexaadiyo Garsooraha Ingiriiska u dhashay ee Michael Oliver oo ah Garsoore go’aan adag isla markaana aanay ku degdegin in uu adeegsado Muuqaalka Garsooraha caawiya ee VAR.

Netherlands & Argentine maxaa laga diiwaangeliyay?

Xulka qaranka Netherlands ayaa sanadkii 2010kii si dirqi ah koobka Adduunka ee lagu qabtay Koofur Afrika waxaa uga qaaday dhiggooda Spain kaddib markii gool keliya looga awood sheegtay xiligaas.

Argentine waxaa sanadkii 2014kii Koobka Adduunka ee lagu qabtay Brazil looga qaaday hal koob oo Xulka Qaranka Jarmalka ay ka dhaliyeen waqtigii dheeraad ahaa ee lagu daray Ciyaarta maadaama 90kii daqiiqo kusoo idlaatay gool la’aan.

Kulankaan waxaa dhexdhexaadiye ka ah Garsooraha reer Spain ee lagu magacaabo Antonio Mateu Lahoz, 45 sano jirkaan ayaa dhexdhexaadiyay kulamo kala duwan oo heer caalami ah, horyaalka Spain ee Laliga, Champions Leugue & ciyaaro kale.

Croatia vs Brazil xulkii soo badiya ayaa ku beegmi doonna Netherlands vs Argentina waddankii soo gudba, marka ay isku dhacaan qarankii guuleysta ayaa u gudbi doonna kulanka kama dambeysta ah (Final), halka xulka kale uu u tartami doonno booska 3aad.

Like it? Share it!

Leave A Response