Xoghayaha QM oo si adag uga hadlay xaalada GEDO

by admin | Sunday, May 17, 2020 | 507 views

Xoghayaha guud ee Qaramada oo ka hadlay xaaladda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi ee u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Antonio Guterres ayaa sheegay in ciidanka ay dowladda Soomaaliya bishii Febraayo ay geysay gobolka Gedo ay sababtay isku dhacyo iyo xiisado dagaal oo ho leh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalladii u dambeeyey ee dhex-maray labada ciidan ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan oo shacab ah, kuwa kelana ay ku barakaceen.

“Waxaan aad uga walaacsanahay isku-dhacyadda hubeysan ee ciidamadda Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Gedo, kuwaas oo sababay khasaaraha iyo barakaca dad shacab ah,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Waxa kale oo uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland inay joojiyaan xiisada ka jira koonfurta Soomaaliya, si looga hortago rabshade kale oo dhaca.

Guterres ayaa sidoo kale la filayaa in mowqifkiisa ku aadan xaaladda cakiran ee gobolka Gedo uu ku cadeeyo khudbad uu ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka ee QM.

Ugu damgbeyn xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiyadii dhowaan laga gaaray khilaafaadyadii ka dhashay doorashooyinkii ka kal dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb ee maamullada Jubbaland iyo Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response