Xubno ka socda Dowladda Federaalka & Madasha Xisbiyada Qaran oo kulan yeeshay

by admin | Tuesday, Nov 19, 2019 | 727 views

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah  ku yeeshay Xubno ka socda Dowladda Federaalka & Madasha Xisbiyada Qaran,kaas oo ahaa mid loogu gogol xaarayay shirka la filayo in maalinta Arbacada Muqdisho ku yeeshaan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulankii xalay ayaa Wararka aan heleyno waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka madasha Xisbiyada Qaran iyo dowladda Federaalka,Arrimaha doorashooyinka iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa waxaa Madasha Xisbiyada Qaran Xubnaha matalayay kamid ahaa  Xoghayaha Guud ee Madasha  Xildhibaan Axmed Fiqi halka dowladda uu ka socday Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo hormuud u ah wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada,isla markaana sababteeda lahaa.

Ilo xog-ogaal ayaa waxaa ay sheegeen in kulanka lagu go’aamiyey ajandayaasha shirka Arbacada ay yeelanayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka dhex-maray Xubno kamid ah Madasha Xisbiyada Qaran iyo Wakiilo ka socday Dowladda Federaalka ayaa u muuqda mid la isku soo dhawaanayo,kadib wixii ka dambeeyey khilaafkii xooganaa ee soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka iyo Madaxda Xisbiyada oo ka carooday Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegeen in la qash qashaaday xilli ay ku wajahnaayeen Magaalada Baladweyne.

 

Like it? Share it!

Leave A Response