Xukun lagu riday Xubin katirsan Al-Shabaab oo la qabtay

by admin | Tuesday, Nov 22, 2022 | 219 views

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) oo Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ka soo qabteen Dagmada Afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan, isaga oo Al-Shabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada.

War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Eeney Ureyn uu Al-Shabaab ku biiray isaga oo yar, waxa uuna kagaba biiray degaanka Ceel-Bashiir ee hoostagta Dagmada Buur-hakaba, Waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Sarkaalkii xukumayay.

Sidoo kale Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in Sarkaalka uu u soo dhiibi jiray Miino diyarsan ka dibna uu gayn jiray dagmada Buur-Hakabe isaga oo isticmaalaya mooto Feekon ka dibna waxa uu dhigi jiray meeshii uu markaas u arko in ay dadka isugu yimaadan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu u soo dhamaystiri lahaa hab raaca Muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii Bishaan, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Abuukataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay Maxkamadda u fiiriso sifaha danbi fududeya Maadaama uu Eedesanaha Qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Like it? Share it!

Leave A Response