Xukuumadda KHEYRE oo maanta ka badbaaday qarax siyaasadeed weyn

by admin | Saturday, Jan 18, 2020 | 546 views

Daqiiqado yar kadib markii lagu dhawaaqay mashruuca dhismaha magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Garowe iyo Kismaayo ayaa baraha bulshada waxaa is qabsaday su’aal ah, MAXAA LOOGA TAGAY JOWHAR IYO DHUUSMAREEB?

Sheekadu intaas kaliya kuma aysan ekeyn, ee waxaa loo qeyla dhaamiyay xildhibaanada iyo siyaasiinta degnaada Galmudug iyo HirShabelle ka soo jeeda, kadibna waxay toos u gaartay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo kan madaxweynaha. Sida aan xogta ku helnay, farriintan ayaa waxaa toos u gudbiyey xildhibaano kasoo jeedaa labada maamul goboleed.

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan HirShabelle ayaa arintaan wax ka weydiiyay wasiirada Howlaha Guud iyo Maaliyaddam waxaana la sheegay in wasiirada ay u sheegeen dadkii arrintaan kala hadlay in xafiisyada sare ay wax ka ogyihii

xubno ku dhaw wasiirada maaliyadda iyo howlaha guud waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay ka war qabeen barnaamijkan oo ah maal-gelin dibadda ah helay, balse ay go’aankooda ka laabteen markii daqiiqado lagu dareemay saameyntii ka dhalatay.

Haddii aysan xukuumaddu ka noqon laheyn go’aankaan waxay noqon qaraxii siyaasadeed ee ugu weynaa oo ay la kulmaan Farmaajo iyo Kheyre. Sidoo kale waxay noqon laheyd tallaabo isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb oo markii hore qabay dhibaato loo geestay siyaasiintooda.

La-yaabka ugu weyn ayaa ahaa in laba ka mid ah maamul goboleedyada helayey mashruucan oo ah; Jubaland iyo Puntland ay yihiin kuwa la dagaashan dowladda, halka labada laga tagayna ay heshiis la yihiin dowladda. Waxayn tani soo nooleysay tuhunkii ahaa in dowladda mar walba u jilcan tahay labadan maamul, oo qaata inta badan mashaariicda caalamiga ah ee la helo.

Dad badan ayaa mahdiyay in go’aankaan laga laabto kaas oo noqon kara arrinta kaliya ee kiiskaan damin kartay. Ra’iisul wasaaraha ayaa amarkiisa ku sheegay in mashruucaan la gaarsiin doono dhamaan maamul gobaleedyada, taas oo ah mid lagu dejinayo dadkii boogta gaartay.

Kheyre ayaa lagula taliyay in mashruucaan deg deg lagu joojiyo ama ay dowlada qaadato mirihii ka dhasha oo noqon kara kacdoon hab beeleed u abaabulan, waxa uuna ra’iisul wasaaraha qaatay go’aan deg deg ah, kaas oo ah midkii lagula taliyay.

Like it? Share it!

Leave A Response