Xukuumadda Somalia oo faah faahisay xaaladda Caafimaad ee Mocalimuu

by admin | Monday, Jan 17, 2022 | 336 views

Waxaa aad u wanaagsan xaalada caafimaad ee afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax ay  Al-Shabaab la beegsadeen, kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Liibaan Cabdi Cali ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in dhaawaca Macalumuu uu yahay mid ka fudud sidii ay wax u dhaceen, isla markaana uu jiro jab ka soo gaaray lug iyo dhaawacyo kale oo fudud, sida uu sheegay Agaasime Libaan.

Isbitaalka Digfeer ee caasimada Muqdisho ayaa lagu dabiibayaa Macalimuu, qaraxaan ayaa ahaa mid kaligiis loo soo qorsheeyey, waxuu ahaa kii shanaad oo Macalimuu uu la kulmay shantii sano ee u dambeysay.

Qaarkood Alle ayaa ka badbaadiyey, halka qaarna ay ka soo gaareen dhaawacyo isugu jiray ku fudud iyo kuwo culus, qaraxii shalay waxaa ku dhintay qofkii isku qarxiyay kaliya.

Wararkaa helay ayaa sidoo kale sheegaya in dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda dhawaan loo qaadayo dalka Turkiga si loogu soo daaweeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response