Xukuumadda Soomaaliya Oo Soo Bandgigtay Lacagta Cusub Oo Ay Yeelaneyso Soomaaliya

by admin | Sunday, Jun 10, 2018 | 1195 views

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii la doortay waxa ay Maanta soo bandhigtay lacag Cusub ee Shilin Soomaaliga ah taas oo la filayo in dhawaan dowladdu soo daabacdo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) oo Maanta shir Saxaafadeed ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in lacagtaan ay tahay nooc Cusub oo la doonayo in lagu badalo lacagta Kunka Shillin ee hadda la isticmaalo.

Waxa uu sheegay in lacagtaan sidoo kale ay ka koobnaan doonto 10,00 , 50,000 iyada oo sidoo kale qeybo kale yeelan doonto,isla markaana aan la daanaca Karin maadaama ay tahay mid dahabi ah oo muuqaalo kala duwan ay ka muuqdaan.

Sikastaba 20-kii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa la isticmaalayey lacagta Kunka Shillin ah,waxana jiray iskudayo ay sameeyeen dowladihii dalka soo maray balse aysan ku guulysan.

Like it? Share it!

Leave A Response