Xusuusta dilkii halyey Gen. Salaad Gabeyre Kadiye, Ceynaanshe iyo Dheel

by admin | Saturday, Jul 4, 2020 | 670 views

Luulyo 3, 1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo ayaa maanta oo kale ka soo wareegatay 48 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleid iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle.

Dabcan, gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliyihii dowladdii Kacaanka Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa Mohamed Ali Samater (dhintay), Ismail Ali Abokor, Abdalla Mohamed Fadil (oo dhintay), Ahmed Suleyman Dafle, Mohamud Gelle Yusuf iyo Abdulkadir Haji Masaleh.

48 sanno oo u sii dhawaanaysa nus qarni ma lagu tilmaami karo waqti dheerinay ka soo wareegtay, bal waxaa cad ragga la laayay weli dhiiggooda uu ku sii dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta maalyiin Soomaali ah. Siyaad Barre ugu ma harin raggaasi dil kaliya, wuxuuse ku sii darsaday inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen iyada oo loola jeedo in xataa lagu hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, islamarkaana diiwaannada dowladdana uu ka saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqo dhinaca siyaasadaha iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo ah iyo kaalin aad wax ku ool ah.

Taariikhda waxay xususeysaa in loo laayay ragga shaki laga qabo, kadib markii ay sii if-baxeen khilaafyo iyo ballan ka baxyo si bareer ah loo sameeyay, taasoo si weyn ugu lug lahaayeen koox Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa inqilaabkii lagu rogay dowladii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddaxda nin oo aan arkeyn waddaniyaddooda iyo Soomaalinimadooda, balse kaliya ka fakira isirka ay ka soo jeedaan oo ah beelo waawaayeen midkood inuu qabto xilka taliyonimada XDS.

Wuxuu markiisa hore doonaayay inuu isaga isku noqdo Madaxweynimada GSK iyo Taliyaha XDS, bal haddii ay u socon weysana, uu u dooro xilkaas, sida markii dambe dhacday, Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Fadil oo taliye iyo taliye ku xigeen kala noqdeen.Samatar iyo Fadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakin ka hor iyo kadib markii xilalkaasi loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagari ku jirto kula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan oo ay qabanaayaan ayaa ahayd inay saacad ka saacad ka war keenaan dareenka iyo talaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan faarujin waqtigiisa si talaabooyinkiisa ay xogogolaal uga noqdaan.

Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imaanaayay la gambasho la’aanta Salaad sida uu u daneenaayo inuu qaato xilka Taliyahnimada XDS iyo inuusan doonayn, Xilka loo magacaabay oo ah Wasiirka Gaashaandhigga.

Diidmadiisa ayaa loo aaminay inay ku daahsoon tahay qoorshe damac ah inuu soo wado inqilaab. La wareegistii xukunka ka hor, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynanimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre.Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ah qof lagu yaqaan shaki iyo inuusanba lahayn mowqif loogu soo hagaago ayaa waxaa laga daadhiciyay Salaad Gabeyre inay meel u taal qorshe la mid ah tabtii Kacaankii Masar ee Jamal Abdinassir u maray xilka Madaxweynimada, taasoo uu kala wareegay General Mohamed Najib, kadib markii labo sanno ku siman uu xilkaas haayay xagga da’da darteed.Sida ay caddeynaayaan, saraakiil xogogaal ah, lana socday wixii ka dhacaayay xaruntii Avizione, saraakiil waaweyn oo ay saaxiibbo iyo isku koox ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga caroodeen, kadib markii uu Salaad aqbalay Afweyne inuu noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aad u xanaaqay qaarkoodna bilado geesinimo ku kasabeen dagaalkii 1964 waxaa ka mid ahaayeen Col. Ibrahim Roble Warfa’ “Doonyaale”, Col. Elmi Nur Tarambi, Col. Mohamed Nur Barqhab, Col. Ahmed Ismail Boqor iyo kuwo kale oo badan.

Arrimaha kale oo ay isku qabteen Gen. Salaad Gabeyre iyo Maxamed Siyaad waxaa kaloo ka mid ahaayeen:-

1. Go’aamada GSK ee taabanaya dhinacya xukuumadda, sharci sameynta, Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca in loo wada gaaro si wadajir ah, cod qaadis ah hab dimqoraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah sidii iyo wadiiqadii xukunka loogu celin lahaa shacabka.

2. Subaxdii koowaad ee maalintii inqilaabku dhacay, lana soo qabqabtay si loo xiro dhammaan Xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Mohamed Ibrahim Egal ayaa Afweyne isna maalintii labaad uu soo xiriray, iyada oo aan la isku raacin siyaasiyiin waawaaeyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aden Abulle Osman, waxaa kale ragga la xiray ka mid ahaayeen Abdirizak Haji Hussein iyo Haji Musse Boqor, halka Sheikh Mukhtar M Hussein iyo Gen. Mohamed Abshir Haamaan uu ku haayay xabsi guri muddo dheer. Qabaqashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan heyb sooc ah oo Afweyne ninka uu soddogga u yahay Ahmed Suleyman Dafle wata.

3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo xubno taageerayaal ah ku soo darsaday Siyaad Barre.

Mohamed Ali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u haayay tabaha Siyaad Barre uu ku noqon lahaa kaligii taliye inta uu nool yahay Xukun ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay Somalia inay dooratay dhabbaha Hantiwadaagga cimiga ku dhisan ee Marxism-Leninims. Nidaamkan wuxuu jideenayaa inay xaaran tahay habka awoodaha kala soocan ee hey’aadaha dimoqraadiga ah (Check and Balances) ee barabar socon karta midda kaligii talisnimada, lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, dalka aan ka jiri karin nidaam dhaqaale ee furfuran, xorna ah sida ganacsi iyo suuqyaba, la baa’biyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul iinsaanka, sida inuu ka qayb qaadan karo wacyi gelinta mujtamaca, hal abuurka, xuryatul qowlka, abaabulada xisbi iyo bannaanbaxyada shacbiga ah.

Xubnihii GSK, xataa Siyaad Barre, kuma jirin qof si duluc ah u yaqaan falasafadda Marxism-Leninism, bal waxay ka ahayd in loogu sii dhawaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waariyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli oo dhahaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaada u gaarto iyo ma jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fekero kaabaha.”Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ugu muhiimsanaa wixii dhab ahaan ay isku haayeen. Mana jirin inqilaab uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lalana dilay saaxiibada kale. Saraakiishii hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Gen. Caynaanshe marka la barbardhigo Afweyne ay kala ahaayeen laba qof oo waxyaabo badan ku kala geddisan. General Mohamed Aynanshe Xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa Caynaanshee in dhinac walba uu ku dhawaa wannaaggii General Daa’uud looga haayay XDS iyo Shacbiga gudahiisa. Sidoo kale Gol. Abdulkadir Dheyl Abdulle, Wuxuu ahaa sarkaal uruursan, tababar sare qaba aadna iskugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon aadna saraakiisha iyo askartaba u jeclaayeen.

Ragaas sida arxan darrada loo laayay, ayaa hadda waxay joogtaa inay yihiin kuwo mudan qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddii iyo taariikhdoodii la aasay dib loo soo nooleeyo iyada oo loo sameynaayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto. Lagu sharfo magacyadooda meelo muhim ah oo ummadda u dhaxaysa, sida waddooyinka, iskuulada iyo xarumaha ciidamada iwm. 12ka April, Maalinta xuska XDS magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo iyo in dhammaan wixii hanti ah oo laga dhacay dib ugu soo celinta dhaxaltooyadooda loo sugo si sharci oo aan shuruud iyo gorgortan ku jirin.

 

Like it? Share it!

Leave A Response