YAA SUXUFI NOQON KARA?{Akhriso}

by admin | Thursday, Jul 11, 2019 | 1195 views

 

Saxaafada iyo suxufinimaddu waa muhiim waxayna u baahantahay mas,uuliyad weyn iyo u bislaahso qoto dheer waayo wax ay saameyn ku dhex leeyihiin Ra’yum caalamka guud ee dadweynaha iyo miisaan weyn oo bulshadda dhexdeeda ah.

Sidaa awgeed wa in suxufiyiintu si fiican u fahamasanyahihiin xirfadooda si eysan u geysan waxyeelooyin ka imaan kara xirfadooda suxufinimo oo aay si qaldan u adeegsadaan ama loogu adeegsado. Hadaba si loo helo suxufi ama saxafiyad damaanad qaad buuxda leh waxaa la isku raacsanyahay in suxufigu ama saxaafiyadu la yimaadaan sifooyinkan.

1-maskax korsan iyo mas,uuliyad weyn

2-hal abuur

3-aqoon guud oo balaaran (tani macnaheedu waxuu yahay in suxufigu wax ka yaqaano xariirka caalamiga ah (international relationship) iyo joqoraafiga adduunka( geography of the world)

4-dulqaad, adkeysi, iyo dhiiranaan

5-dareen xog ogaalnimo doon ah

6-cadaalad iyo daacadnimo

7-maskax madax banaan oo wax isweydiisa Inkasto ooy jiraan tiro yar oo ka mid ah saxaafiyiinta soomaalida kuwaas oo maadada saxaafada iskuulo uga soo baxay hadana qaabka lagu noqon karo suxufinimaddu waa arrin aad u weyn marka loo eego mas,uuliydda uu qofku qaadayo sababtoo ah ficil ahaan weey adagtahay sida suxufi lagu noqon karo mana jiraan imtixaano si cad loogu soo baxo oo kuu sahlaya inaad ku soo biirto saxaafada qeybaheeda kala duwan waxa keli ah ee lagaaga baahanyahay waxa weeyaan inaad awood weyn iyo hibo u leedahay wax qorista isla markaasna aad ku hubeysantahay aqoon sal adag leh marka sifahan lagaa helo ayeey suurto gal tahay in laguu aqoonsado suxufi ama saxafiyad waxaaanad fursad buuxda u heli kartaa inaad dhex gasho xirfadaada suxufinimo run ahaantiina mana ahan saxafaddu mid gabi ahaan lagu hanan karo fasaladda ama barid lagu baro maadada saxaafada, Rasmi ahaanteedana waxaad si rasmi ah u baran kartaa saxaafadda inaad ku dhex jirto shaqadda saxaafadda ogoowna in macalinkaaga kuugu wanaagsan ee saxafadda ku bari karo eey tahay qibradadaada.

 

• Qeybta 1aad=maamulka sare ee shabakadda.

• Qeybta 2aad=tifaftiraha shabakadda.

• Qeybta 3aad=weriyaha warka.

• Qeybta 4aad=suxufiga qoraaga ah.

• Qeybta 5aad=farsamo yaqaanka.

A)Maamulka:- waa mas,uulka ugu sareeyo howlaha

I. Waa mas’uulka shaqaalaha.

II. Waa mas’uulka ugu sareeya go,aan qaadashada.

III. Waa mas’uulka shaqada iyo shaqaalaha.

b)Tifaftiraha:- waa mas’uulka ugu sareeyo warka iyo werintiisa.

1) Waa dhaqtarka wararka.

• Wararkii dhaawac ah waa dhayaa.

• Wararkii jajaban waa kabaa.

• Wararkii qaraar waa qubaa.

• Warkii qalqaloocan waa toosiyaa.

• Wararkii wax dhibaya waa duugaa.

C)Wariye:-waa mas’uulka wararka iyo werintiisa. • Waa cod macaani carab fudud • Waa faahim firfircoon.

Ø Suxufi:– waa mas’uulka qoraalka

•Waa qoraa qalin maal ah.

• Waa hal abuure-af yaqaan ah.

• Waa maskax maal muhandis ah.

Ø Farsamoo yaqaan:- waa mas’uulka qalabka

• Waa dhaqtarka afafka warbaahinta .

• Waa injineerka dabka.

• Waa dhabiibka qalabka.

• Waa soo saaraha Maqalka iyo Muuqaalka.

Ø Shaqada warbaahinta:-shaqada warbaahinta waa war iyo weeleentiisa.Bahda warfaafinta waxay ka kulluumaystaa badaha wararka.

WARGAYS WAA HOOYADDA WARBAAHINTA”

Wargayskii ugu horeeyay wuxuu soo baxay Qarnigii 15aad. waxaa la oran

jiray(Bilil-jack). wuxuu ka soo bixi jiray Dalka fran-siiska.

Wargaysyadda Dalka Soomaaliya:-

Wargaysyadda dalka somaliya waxay kaalin ka qaateen Halgankii

Xoriyadda iyo Madax banaanida soomaaliya.

-1936-KII waxaa soo baxay wargayskii ugu horeeyay oo ay leeyihiin

dadka soomaaliyeed.waxaa la oran jiray (Codka Shaqaalaha)

Wargaysyaddii 1960-1969kii:-

Waxaa soo bixi jiray 4-wargeys, 2-wargeys waxaa lahaa Dowladda,

2-Wargeysna waxaa la haa 2 Qareen oo gaar ah:-

1) Corriare Della Somali

2) Somali News

3) La tarbuna

4) The people

Wargaysyadda 1996-1990-kii

Waxaa soo bixi jirey 12-wargeys oo ay lahayd Dowladdii Kacaanka , Waxaana

La mamnuucay warbaahinta xorta ah, wargaysyadii Kacaanka waxaa ka mid

ahaa:-

1)Stelle Di Octobare.

2)Najmatul October.

3)Xidigta October.

4)Down (Waabari)

5)New Ear

6)Horseed

7)Ogaal

8)Heegan

9)Adaleecah

10)Waaga cusub

11)FaaFinta rasmiga ah

12)Wargayska Warshadaha

Wargeysyadii 1991-2009:-

Waxaa soo bixi jiray Wargeysyo Xor ah oo Madax banaan, wargeyskii ugu

Horeeyey waxaa la oran jiray (Shabelle press) kadibna waxaa soo baxay

300-wargeys oo wada xor ah oo madax banaan

SHAQSIYAADKII AAS-AASKA UDHIGAY WARBAAHINTA SOMALIYA (SOMALI MEDIA)

*Wargayska waxaa Aabe u ahaa Allaha U naxariistee Suxufi… Maxamed jaamac Uurdoox oo soo saari jiray wargays la oran jirey Al – somalia 1936kii.

*Idaacad waxaa Aabe Ua ahaa Allaha Unaxaristee Xaaji Cabdi Ducaale Oo Ahaa wariyihii ugu horeeyey ee laanta Afka somaliga Ee BBC.DA idaacad ka soo jeediyay sanadkii 1957dii.

* Shineemo waxaa Aabe u ahaa allaha u naxariistee saagir maxamed cadde. oo kaalin ka qaatay soo bandhigidii filimkii ugu horeeyey oo lagu daawado muqdsho sanadkii 1947kii,

* Masawir waxaa Aabe u ahaa Allaha u naxariistee Xuseen Cabdi farmashiye oo sawirkii ugu horeeyey oo lagu daawado muqdisho soo saarey sanadkii 1950kii.

*Farshaxan waxaa Aabe uhaa Allaha Unaxariistee Aadan Isaaq Tima-cade oo farshaxanki ugu horeeyey soo bandhigay sanadkii 1950kii.

*Madbacad waxaa Aabe u ahaa Allaha u naxariistee Xaaji macoow nuur oo soo bandhigay daabacaadii ugu horeeysey Sanadkii 1943.

*Television, waxaa Aabe u ahaa oo shaashada Tv-ga ka soo muuqday Axmed Xasan Cowke oo ka shaqeyay Tv-ga Qaranka Somaliya 1983kii.

Qarnigii 19aad

waxaa dhashey kacankii ugu waynaa ee warbaahinta, waxa soo is baxay qalab warbaahineed oo casri ah, waxaa soo baxay

a)Raadiyaha. b)Shineemada c)Telefishinka.

Raadiyaha waxaa soo saaray nin talyaani ah’Shineemada waxaa soo saray nin faransiis ah;Telefishinka waxaa soo saaray nin maraykan ah.

1913-kii waxaa la soo saaray qalab loo yaqaano Tele-printer oo ahaa qalb meel aad u fog wararka oo qoraa ahaan ugu gudbiya –

1949-kii waxaa soo baxay qalabka kumbiyuuterka, (computer ka) waxaa soo saaray nin maraykan ah.

1990-kiiwaxaa soo baxay qalab casri ah oo indha sarcaad ah oo adduunka ka dhigay hal tuulo qurah oo layiraahdo Internete.

 

Like it? Share it!

Leave A Response