Yahuuda oo ku hanjabtay weerar dhulka ah in ay ku qaadi doonto Falastiin

by admin | Friday, May 14, 2021 | 271 views

Yahuuda ayaa sii waday maanta inay duqeyn ka geysato Marinka Gaza duqeymo cirka ah iyo madaafiic, iyadoo iska indhatireysa baaqyada caalamiga ah ee deganaanshaha, maadaama ay kordhisay soo daad gureynta ciidamada iyo taangiyada meel u dhow xeyndaabka Falastiin.
Warbaahinta ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay ku soo qulqulayaan xadka laakiin wali uusan bilaaban weerar dhulka ah.

“Howlgallada dhulka waxay u baahan yihiin diyaar garow badan, waxay u baahan yihiin ciidamo badan,” ayuu yiri wariye kasoo hadlaya Gasa isagoo xusay inay u badan tahay inaysan weli jirin tiro ku filan oo taangiyada, madaafiicda iyo ciidamada galaya Gaza.
133 qof ayaa lagu dilay weerarka Gasa, waxaana sidoo kale Yahuuda looga dilay Lix , waxaa sidoo kale ku dhintay hal qof oo kasoo jeedda dalka Hindiya.
Dunida ayaa inta badan isha ku heysa waxaa ka soconaya dhulka falastiin, waxaana qaarkood ugu baaqday Yahuuda in ay joojiyaan duqeymaha.

Like it? Share it!

Leave A Response