Yuusuf Dabageed oo ka hor-yimid xil ka qaadista lagu sameeyay iyo Baaq uu u diray dowladda Federaalka

by admin | Monday, Jun 10, 2019 | 835 views

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed) ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku sameeyay, isagoo ugu baaqay dowladda Federaalka inay soo farageliso arrinta ka taagan Gobolka Hiiraan.

 

Yuusuf Dabageed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in qodobka 58aad ee Dastuurka Hirshabeelle uu dhigayo in Madaxweynaha oo dalka ka maqan aanu waxna bedeli karin, waxna magacaabi karin.

“Qodobka 58aad ee Dastuurka Hirshabeelle, Madaxweynaha awooddiisa wuu tilmaamaa wuxuu sheegayaa, haddii dalka ka maqan yahay, wuxuu bedeli karo ama magacaabi karo ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa ku daray in Madaxweyne Waare uu ku sugan yahay magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Hirshabeelle ay noqotay meel ay labo qof u sareyso, isagoo xusay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ay dhibaatooyin ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe u amar soo siiyay Ciidamada, si isaga loo xiro, isagoo xusay in aanu xirin, isla markaana uu sharci qaban karo oo kaliya

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay inta dowladda Federaalka faragelin ka soo sameyneyso aysan dadka Hiiraan wax wada shaqeyn iyo xiriir ah la sameyn doonin Maamulka Hirshabeelle.

“Aniga waxaa meesha ku imid talada dowladda Federaalka, illaa dowladda Soomaaliyeed faragelin ka soo sameyneyso arrinta Gobolka Hiiraan, wax wada shaqeyn iyo xiriir ay la sameynayaan ma jirto dadka reer Hiiraan”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilka uga qaaday Yuusuf Dabageed oo bilo ka hor uu u magacaabay xilkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response