Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maareeyihii garoonka diyaaradaha  Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi ayaa shaqada laga joojiyay, kadib markii saacado ey maqneyd korontada garoonka, taa oo keentay in dad badan ku xayirmaan gudaha garoonka. Sidoo kale, Wasiirka gaadiidka dalka Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa shaqada ka joojiyay maareeyaha garoonka Alex Gitari, waxa uuna wasiirka raaligelin ka bixiyay...

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle ayaa maanta ka hortegay dibad-baxyo la filayay inay ka dhacaan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo looga soo horjeeday xariga Sheegow. Muqdisho waxaa waddooyinka waa weyn saaka la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, si ay hortegaan dibad-baxa Beesha Jareerweyne oo ka goodsan xarigga loo geystay...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo shalay ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa maanta oo Axad ah galay maalintii labaad. Shirka Madaxda ayaa looga arrinsanayaa xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray dagaalamayaasha Al-Shabaab...

272 ruux oo tahriibayaal ah ayaa lagu badbaadiyay biyaha u dhaxeeya Waddamada Liibiya & Tuniisiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si gaar ah arrintaan ula socday. Markabka lagu magacaabo Ocean Viking ayaa ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo tahriibayaashaan oo naftooda halis wayn wajahaysay xiligii uu socday howlgalka...

Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska DANAB oo garab ka helaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo ‘AS’ ayaa ku dagaalamay Galbeedka Magaalada Kismaaayo gaar ahaan deegaanka Labi Kuus. Sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland, dagaalkaan ayaa socday muddo kooban waxaana...

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali (Firdhiye) ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uga digay isku dayga inuu mar kale weerar kusoo qaado magaalada Laascaanood. ⓘ Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo oo jeediyay khudbad dheer, ayaa wuxuu sheegay in ay si adag uga jawaabi doonaan duullaan kaste oo kaga yimaada Somaliland, isagoo caddeeyay...

Waxaa hawada laga saaray Barnaamijka Telegram, kaas oo maanta ka shaqeeneynin guud ahaan dalka, kaddib markii Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay hawada ka saarayso. Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya August 20, 2023-ka ay soo saartay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ayaa lagu...

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. ⓘ Shariif Sheikh Axmed oo farriin soo dhigay boggiisa Facebook, ayaa ku baaqay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii Shabaabku qaadeen deegaanka Cowswayne, “Waxaan...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka. Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga...