Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa howlgallo xooggan kawada deegaanno katirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa hoostaga Magaalada Masagawaay. Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Magaaladaan shalay ka dhacay dagaalka dhexmaray Ciidamada Federalka oo garab ka helaya Dadka deegaanka iyo dagaalamayaal...

Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo WHO oo warbixin kasoo saartay halista ku hoos qarsan isticmaalka Tubaakada (Sigaarka) ee guud ahaan Caalamka ayaa ku baaqday in la sameeyo olole caalami ah oo looga hortago arrintaan. War kasoo baxay WHO ayaa lagu sheegay in dad badan ay la qabatimeen isticmaalka Tubaakada kuwaas oo halis caafimaad...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Puntland oo gadoodsan ay xirteen wadada gasha wasaaradaha iyo xarunta Madaxtooyada ee Garoowe . .Ciidamadaan oo ay kujiraan kuwa ilaaliyaha  Madaxtooyada, isla markaana  wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sheegay inay ka gadoodsan yihiin...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kulan kula qaatay Muqdisho Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo...

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiga Isbedelka Dimuqraadiyadeed ee dalka Uganda Harold Kaija ayaa sheegay mar uu Warbaahinta kula hadlay Xarunta Dhexe ee Xisbiga FDC ku leeyihiin Caasimadda dalkaasi ee Kampala ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay Ciidamadeeda kasoo saarto Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Uganda noqotay Qalab aad muhiim ugu ah Nabad-Ilaalinta...

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in kaar qaybinta dadkii ka qaybqaatay diiwaangalinta doorashadu uu bilaabmi doonto Maanta oo taariikhdu tahay 31 bishan May. Koomiishanka Doorashooyinka ayaa munaasibad lagu qabtay magaalada Hargaysa ku shaaciyay bilowga qaybinta kaarka codbixinta, iyado shaqaalihii iyo gaadiidkii qaybinayay kaararka loo kala...

Isku dhacyo xooggan ayaa laga maqlayay caasimadda Suudaan goor dambe oo Talaadii aheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka, ka dib markii kooxaha millatari ee dagaallamayay in ka badan lix toddobaad ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabbad-joojinta looga golleeyahay in gargaarka loo oggolaado dadka rayidka ah. Ciidanka iyo Xoogaga Taageerada Degdega ah ee (RSF) ayaa ku heshiiyey...

Saddex qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Dab ka kacay Isbitaal ku yaalla Koonfurta Caasimadda dalka Austria ee Vienna. Afhayeenad u hadashay Hay’adda Caafimaadka Gobalka ayaa sheegtay inuu dabkaasi Saqdii Dhexe ee xalay ka kacay Isbitaal ku yaalla Deegaanka Modling oo 14 KM u jirta Caasimadda dalkaasi ee Vienna. Maamulayaasha waxay sheegeen inay 170 Gaadiidka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeelle hoose iyadoo halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Koofur galbeed  ayaa Kulamo la qaadanaya Maamulka, saraakiisha ciidanka iyo Bulshada Reer Baraawe. Wararka...

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay Hawada sare u direyso Dayax-Gacmeed safarkiisa qaadan doono muddo dhan 7-sano si uu usoo sahmiyo walxaha ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System) sida hadalka loo dhigay. Saadaasha xawaaraha Dayax-gacmeedka Imaaraatka Carabta ee Hawada sare loo dirayo waa 33,000 KM saacaddii in uu jaro, waxaana lala socon...