Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Tanzania iyagoo ka wada hadlay arrimo khuseeya danaha labada dal.

by admin | Saturday, Apr 27, 2024 | 16 views

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dar es Salaam kula kulmay Madaxweynaha Tanzania, iyagoo ka wada hadlay arrimo khuseeya danaha labada dal.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in labada Madaxweyne ay kala saxiixan doonaan heshiis muhiim ah oo labada dhinacba u siman yihiin.

Aweys oo ka mid ah wafdigii Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku wehlinayay dalka Tanzania ayaa sheegay in si weyn loo soo dhaweeyay, isla markaana ay ka qeyb galeen kulamo gaar gaar ah.

Booqashada Madaxweyne Maxamuud ayaa ku soo aadeysa xilli Tanzania ay sidoo kale la tacaaleyso caqabado badan oo ay ka mid yihiin fatahaado saameeyay qeybo badan oo ka mid ah dalka. In kasta oo ay jiraan caqabado badan oo ay labada waddan wajahayaan, haddana xidhiidhka xooggani waxa uu muujinayaa xoogga laga helay midnimada si wax looga qabto caqabadaha jira.

Tanzania iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggan oo ku saleysan horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale gaar ahaan marka la eego qaab dhismeedka Bulshada Bariga Afrika. Labada dal ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay wanaajinta xiriirka labada dal, iyadoo Tanzania ay taageereyso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response