Mukhalasiinta oo tobanaan Itoobiyaan ah ku dayacay duurka Kenya.

by admin | Thursday, May 9, 2024 | 15 views

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku haya 24 qof oo Itoobiyaan ah oo looga tagay meel kayn ah oo ku taal gobolka waqooyi bari ee Isiolo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Waxaa la sheegay in ay kaalmo ka raadsadeen saldhig boolis oo ku yaala deegaanka Merti ka dib markii ay ka tageen dadkii looga shakiyay in ay tahriibinayeen Axadii.

Mukhalasiinta aan la garanayn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fogaayeen jidgooyooyin ku yaala wadada isku xirta Isiolo iyo Nairobi.

Muhaajiriintan ayaa booliska u sheegay inay ku sii jeedeen dalka Koonfur Afrika, kadib markii ay ka soo gudbeen xadka Kenya iyo Ethiopia.

Ajaanibtan ayaa ku jira gacanta Booliska oo sugaya in Maxkamad la soo taago, maadaama ay sharci darro dalka ku joogeen. Booliska ayaa sheegay inay ku daba jiraan tahriibayaasha.

Kenya ayaa ah marin ay si caadi ah u maraan muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee isku dayaya in ay galaan Koonfur Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response