Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad muhiim ah oo ay ku raadinayso horumar. Waxa soo food saartay caqabado u baahan aragtiyo cusub iyo xalal cusub. Iyadoo faragelinta reer galbeedka ay door weyn ka ciyaartay qaabeynta siyaasadaha horumarinta caalamiga ah, Soomaaliya, si la mid ah dalal badan oo Afrikaan ah, ayaa weli la halgamaya arrimo waara in kasta oo ay jiraan dadaalladaas....

Go’aanka Washington ay ku mamnuucday TikTok oo laga leeyahay Shiinaha, haddii aan la iibin sanad gudihiis, wuxuu ku saabsan yahay ammaanka qaranka, xoghayaha ganacsiga ee Mareykanka Gina Raimondo ayaa Khamiistii ka sheegtay Nairobi. “Mareykanku wax badan ayuu kala baayac-mushtarayaa Shiinaha, waxaana dooneynaa inaan sii wadno ganacsiga,” ayay tiri Ms...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dar es Salaam kula kulmay Madaxweynaha Tanzania, iyagoo ka wada hadlay arrimo khuseeya danaha labada dal. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in labada Madaxweyne ay kala saxiixan doonaan heshiis...

Daadad iyo roobab xooggan oo ka da’ay Kenya ayaa dilay ugu yaraan 70 qof tan iyo bartamihii bishii March, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda, waana laba jibaar inta la soo sheegay horraantii toddobaadkan.   Kenya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika – oo ah gobol aad ugu nugul is beddelka cimilada – ayaa waxaa ku dhuftay roobab ba’an toddobaadyadii...

Soomaaliya oo ah dal leh taariikh qallafsan oo ay ragaadiyeen xasillooni darro siyaasadeed, xasarado deegaan iyo caqabado dowladnimo ayaa wajahaya marxalad muhiim ah oo ay u mari doonto xasilloonida iyo horumarka. Iyadoo ay socdaan doodaha ku xeeran dib u habeynta dastuurka, ayaa waxaa loo baahan yahay in si qoto dheer loo eego baahida weyn ee loo qabo dib u habeynta ajendaha...

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in Turkiga uu go’ay, isla markaana uu sii jarayo xiriirkii ganacsi ee kala dhaxeeyay Israa’iil, iyadoo ay weli socoto colaadda Gaza. “Maamulka Israa’iil waxay u maleynayaan inay naga aamusi karto, halkan, waxaan jeclaan lahaa inaan iyaga xasuusiyo runtan mar kale: wax kasta oo aad samaysaan waa wax aan waxba...

Waxaa isa soo taraya cabsida iyo walwalka laga muujinaayo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wabiga todobaadyadii lasoo dhaafay heerka biyaha uu waday ayaa ahaaa mid dhex dhexaad ah. Waxaa Maanta lasoo dhigay baraha bulshada ee Internetka Muqaalo muujinaya xadmiga biyo farabadan oo kasoo qulqulaya dhanka...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Dar es Salaam, kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaasi Marwo Samia Suluxu Xasan. Ajendaha Madaxweyne Maxamuud ee Tanzania waxaa ka mid ah in uu kala hadlo dhiggiisa Tansaaniya arrimaha khuseeya arrimaha gobolka iyo danaha wadaagga ah ee labada dal ee EAC. Wadahadallada ayaa...

HMS Diamond waxa ay difaacanaysay markab ganacsi oo marayay gacanka cadmeed arbacadii markii habkeeda Sea Viper missile loo isticmaalay in lagu burburiyo gantaalka, Wasaaradda Difaaca (MoD) ayaa sheegtay. Markabka dagaal ayaa hadda ku sugan gobolka si uu uga hortago weerarada Xuutiyiinta. Xoghayaha Difaaca Grant Shapps ayaa u mahadceliyay shaqaalaha markabka si ay gacan...

Munaasabadan ayaa waxaa isugu yimid maalgashadayaasha ajnabiga ah iyo kuwa wadaniga ah, fududeeyayaasha ganacsiga, aqoonyahanada, ganacsatada iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee qurbaha si ay isugu xirmaan ugana raadiyaan fursadaha maalgashiga iyo dib u dhiska dhaqaalaha dalka. Arbacadii, waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka furmay shir labo maalmood socon doona...