Wabiga Shabeelle oo laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo magaalada Baledweyne

by admin | Saturday, Apr 27, 2024 | 15 views

Waxaa isa soo taraya cabsida iyo walwalka laga muujinaayo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wabiga todobaadyadii lasoo dhaafay heerka biyaha uu waday ayaa ahaaa mid dhex dhexaad ah.

Waxaa Maanta lasoo dhigay baraha bulshada ee Internetka Muqaalo muujinaya xadmiga biyo farabadan oo kasoo qulqulaya dhanka dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan deegaanka loo yaqaano Iimey Galbeed.

Muqaalada ayaa muujinaaya biyo aad u farabadan oo la tilmaamay iney yihiin kuwa ka badan oo laga cabsi qabo iney ku fatahaan gudaha xaafadaha magaalada Baledweyne.

Biyahaan badan ee uu wado wabiga Shabeelle ayaa imaanaya, xili saacadahii lasoo dhaafay ay ka da’een dhulka buuraleyda dalka Itoobiya roob xoogan oo ay ka dhasheen biyo badan.

Heerka lagu cabiro biyaha Wabiga ee dhexmara magaalada Baledweyne ayaa hada ku dhaw meeshii ugu sareysay, waxaana taasi ay sii kordhisay walwalka dadka ku nool Baledweyne.

Dhawaan ayay aheyd markii ha’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ay shaacisay in magaalooyin ay ka mid tahay Baledweyne laga cabsi qabo inuu ku fataho wabiga Shabeelle, islamarkaana ay fartay hay’addu dadka iney ka fogaadaan hareeraha wabiga.

Cabsida Fatahadaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ay fatahaad nooceeda horay loo arkin ku dhufatay guud ahaan xaafadaha Baledweyne, taasoo geysatay khasaare isugu jiray naf iyo maal oo aysan wali kasoo kabsan dadka reer Baledweyne.

Magaalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha sidoo kale laga cabsi qabo in ay ka dhacdo fatahaada.

W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan

Baledweyne.Somaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response