Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Kenya kana wada hadlay arrimo khuseeya danaha labada dal ee horumarinta gobolka.

by admin | Tuesday, May 7, 2024 | 17 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah wada hadal kula yeeshay xarunta madaxtooyada ee Karen ee magaalada Nairobi Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua.

Barre iyo Gachagua ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah oo labada dal faa’iido u leh.

Waa safarkii ugu horeeyay oo rasmi ah oo uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu ku tago dalka ay deriska yihiin ee Kenya.

Booqashadan ayaa ka tarjumeysa iskaashiga sii kordhaya ee u dhaxeeya labada dowladood, kuwaas oo ay wadaagaan xiriir taariikhi ah, balse ay la kulmeen caqabado xilliyo ah sanadihii lasoo dhaafay.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqaysa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee ka wada shaqeynta barwaaqada guud ee labada dal iyo shacabkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response