Warar dheeraad ah oo kasoo baxayaa duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoos.

by admin | Wednesday, May 8, 2024 | 15 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Kuunya-barrow oo qiyaastii 257 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ku dhow dhow ayaa u sheegay warbaahinta in weerarka lala beegsaday goob shir ay ku shirsanaayeen Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana lagu garaacay dhowr gantaal.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jireen ajaaniib ay dileen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed howlgallada oo ka dhacay meel qiyaastii 257 KM waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Xaalada deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay kacsan tahay, waxaana saameynta duqeynta xalay ka dhacday deegaankaasi laga dareemaya magaalada Kuunya-barow.

Like it? Share it!

Leave A Response