Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya saaxiibo caalami ah oo howlgalo cirka ah ka fuliyay degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

by admin | Tuesday, May 7, 2024 | 14 views

Ciidamada dowladda Federaalka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ee amniga ayaa sii wada howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee lagu beegsanayo jidgooyooyinka ay dhigteen si ay lacago baad ah uga qaataan shacabka sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Howlgallada qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa caalamiga ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhaceen halka loo yaqaano Tuulada Furuqley oo ku dhow degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero dhanka cirka ah ka hela saaxiibada caalamiga ah ayaa weeraro qorsheysan ka fuliya inta badan goobaha ay fariisimaha ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Howlgallada noocaan oo kale ah ayaa laga sifeeyay dagaalyahannada AS ee fariisimaha ku lahaa.

Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya ayaa gacmaha iskula tagay sidii ay u xoojin lahaayeen howlgallada, isla markaana ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada. Madaxweynaha ayaa balan qaaday in howlgalada aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa.

Like it? Share it!

Leave A Response