Wararkii ugu dambeeyay Dabkii Ka Kacay Suuq ku yaala Magaalada Hargeisa{sawirro}

by admin | Thursday, May 9, 2024 | 17 views

Waxaa la soo sheegayaa in dab xoogan uu ka kacay Suuq ku yaala Bartamaha Magaalada Hargeysa kaas oo ay Ciidanka Dabdemiska Somaliland ku guulaysteen in ay damiyaan oo ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyeen Dabkaas.

Dabka ayaa ka kacay suuqa hoose ee degmada 26-ka June, waxaana uu ka kacay goob ganacsi sida lagu sheegay war ka soo baxay waaxda dabdamiska Somaliland.

“Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa damiyay dab ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla suuqa hoose ee degmada 26-ka June oo lagu magacaabo ZamZam Solar Tech,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dab-damiska oo gurmad u fidiyay ayaa islamarkiiba sameeyay gurmad deg deg ah, ka hor inta uusan ku fidin goobo kale oo ku dhow halka uu dabka ka kacay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgal adag ka dib, guutada Somaliland waxay damisay dabkii ku fiday dukaamada u dhow, waxaana la badbaadiyay dhammaan dukaamada ka ag dhawaa,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa baaq u diray shacabka iyo ganacsatada, waxaanay ku booriyeen inay soo sheegaan xaaladaha degdega ah, si ciidanka dab-damisku u xakameeyo wakhtiga loogu talo galay.

“Ciidanka Dab-demiska Somaliland waxa ay fariin u dirayaan bulshada Somaliland in ay ku soo wargaliyaan dabku waqtigii loogu talo galay, sidoo kalena ay ka digtoonaadaan oo ay ka digtoonaadaan dabka siiba Korontada” ayaa lagu daray warsaxaafadeedka.

“Haddii aad la kulanto masiibo dab ah, wac lambarka 990 ee shirkadaha Telesom/Somtel 24-kii saacadoodba,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Somaliland dhawr sano ka hor ayay ahayd markii dab xoogan uu ka kacay suuqa weyn ee Waaheen oo ay ku dhaawacmeen ilaa labaatameeyo qof, isla markaana geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan.

Like it? Share it!

Leave A Response