Amniga xeryaha ciidamada Uganda oo aad loo adkeeyay ku dhawaad sanad kadib weerarkii Buulomareer

by admin | Friday, Apr 26, 2024 | 17 views
Amniga Xeryaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaad aad loo adkeeyay, iyadoo ay dhow dahay sannad guuradii koowaad ee weerarkii Buulomareer ee lagu dilay 54 kamid ah ciidanka Uganda.

Weerkaas ayaa sababay in ciidamada Uganda ay weli maskaxda ku hayaan digniin kasta oo ay helaan taliyeyaashooda inay si degdeg ah uga jawaabaan.

Labo kamid ah saraakiishii ugu sarraysay xerada ciidanka Buulomareer ayay Uganda ka eriday shaqada, ka dib markii lagu eedeeyay inay iska indho tireen xogo la helay oo sheegayay weerarka Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Uganda ayaa kun askari dhimatay ciidamadeedii ku sugan Soomaaliya, arrintaas oo qeyb ka ah dhimista ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ku sugan, kuwaas oo la qorshaynayo in  dhammaadka sanadkan 2024 laga saaro Soomaaliya.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan geeyay Soomaaliya.

Dhawaan waxay sheegtay in ciidamadeeda qaar kamid ah ay sii joogidoonaan Soomaaliya, iyadoo la filayo in ay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee Soomaliya ay codsatay.

Like it? Share it!

Leave A Response