Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Kenya si uu u xoojiyo xiriirka labada dal ee deriska ah.

by admin | Monday, May 6, 2024 | 19 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana ay ku wajahan yihiin magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa dalka oo uu kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iskaashiga iyo arrimo kale sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin ku dhow dhow safarka. .

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo war kooban ka soo saaray socdaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo koobay in socdaalka rasmiga ah uu salka ku hayo iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Soomaaliya iyo Kenya oo ah wadamo xuduud ah ayaa madaxdooda waxa ay diiradda saari doonaan arrimaha ammaanka iyadoo xukuumadda Nairobi ay xoojisay ammaanka xuduudka si looga hortago weerarada dagaalyahannada ‘AS’.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqaysa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee ka wada shaqeynta barwaaqada guud ee labada dal iyo shacabkooda.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada Midowga Afrika ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, kaasoo taageerada ugu badan ka hela golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kenya ayaa dhaqaale badan ka hesha qaadka sida joogtada ah loo keeno Soomaaliya waxaana horay u jiray heshiis ku saabsan in xukuumadda Nairobi iyo ganacsatadeeda kalluunka ay iibsadaan kalluunka ayna u iibgeeyaan suuqyada dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response