Dhageyso:- Barakac ka billowday Beledweyne kadib markii uu Webiga Shabelle ku fatahay.

by admin | Monday, May 6, 2024 | 13 views

Webiga Shabelle ee dhex mara magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay xaafado ka mid ah magalada baladweyne.

Biyo fara badan ayaa galay Xafada Kulanta ka wada tirsan Beledweyne, iyadoo shacabka ku noolaa xaafadahaasi ay isaga barakacay guryahooda.

Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqato qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi.

Cabsida ugu badan ayaa hada waxaa ay soo Wajahday dadka ku Nool Dhagaxjibis iyaga oo ka cabsi Qaba in ay soo garaan biyaha.

Abaabul la .aan iyo isku Tashi La Aanta dadka ku Nool Kulanta iyo Xintooy ayaa Sababtay in biyaha ay halka kaso leexdan ayna barakiciyaan Durba Qoysaaski Halka ku Noola.

Sanad kasto fatahaad xoogan iyo daadad ayaa ku dhufto magaalada baladweyne oo uu dhex maro wabiga Shabelle, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay in Wabiga Shabeelle, dhanka Beledweyne uu cabirkiisa kor u kacay una dhowaaday heerka qatarta ah ee uu ku fataho wabiga, iyadoo ugu baaqday shacabka halkaas ku dhaqan inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada sida wabiyada iyo dooxyada.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa xilliyada roobabka waxaa magaalada Beledweyne ku fatahayay wabiga Shabelle iyadoo inta badan dadka magaalada degen ay u guurayeen duleedka magaalada.

W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan
Baledweyne.Somaaliya

 

Like it? Share it!

Leave A Response