Itoobiya oo diblumaasiyiin u sheegtay in aanay u ballan qaadin aqoonsiga Somaliland.

by admin | Monday, May 6, 2024 | 21 views

Dadaalka diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Geeska Afrika ayaa u muuqda kuwo miro dhal ah, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo diblomaasiyadeed.

Dowladda Itoobiya ayaa dublamaasiyiinta reer galbeedka u sheegtay sida ay uga go’an tahay in ay ixtiraamto midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Axdiga Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.

Itoobiya ayaa si cad ugu sheegtay dublamaasiyiintaas in aysan marnaba ballan qaadin in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siin doonto maamulka Somaliland.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in aysan qaadin tallaabooyin ay ku dhaqangelinayso heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland, kaasoo xadgudub ku ah midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Toddobaadkii hore, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM) ee xilka ka sii degaya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie.

Atske-Selassie ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka Itoobiya ee midnimada siyaasadeed iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wuxuu tusaale usoo qaatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wararkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay sheegtay in muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo heshiiska badda ee Itoobiya.

Janaayo 1, 2024, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday Maamulka Somaliland, oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiisku waxa uu siinayaa Itoobiya labaatan kiiloomitir oo dhul xeebeed ah oo ku taal gobolka Awdal muddo konton sannadood ah inay ka dhisato saldhig ciidan oo badda ah, taas beddelkeedana Itoobiya u aqoonsato Somaliland dal madaxbannaan.

Like it? Share it!

Leave A Response