Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha Kenya oo gaartay 228 qof.

by admin | Monday, May 6, 2024 | 17 views

Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha iyo saameynta kale ee roobabka xooggan ee ka da’aya Kenya ayaa gaartay 228 qof, sida ay Axaddii sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Roobabka dabaylaha wata ee sababay fatahaado baahsan iyo dhul go’ay guud ahaan dalka todobaadyadii u dambeeyay ayaa la saadaalinayaa inay ka sii dari doonaan bisha May.
War saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in daadad kale “la filayo in ay ka dhacaan degaannada hoose, dooxooyinka iyo magaalooyinka, iyadoo ay dhici karto in carro-gooyada/ dhoobo go’a ay ka dhacaan meelaha ay ku yaallaan jiirarka dhaadheer, jeexjeexyada iyo dooxooyinka.”
Daadadku waxa ay burburiyeen guryo, jidad, buundooyin iyo kaabayaal kale oo dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika.

Ugu yaraan 164 qof ayaa ku dhaawacantay cimilada xun, halka 212,630 ay ku barakaceen, wasaaraddu waxay sheegtay.

Like it? Share it!

Leave A Response