Pakistan iyo Somalia oo ku baaqay xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo Gaza.

by admin | Monday, May 6, 2024 | 18 views

Pakistan iyo Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in deg deg loo sameeyo xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo Gaza, isla markaana aan la carqaladeynin in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka Gaza.

Sidaasi waxaa sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Senator Mohammad Isxaaq Dar iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Jaamac oo kullankoodii 15-aad ee Ururka Islaamka ku yeeshay magaalada Banjul, maanta.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka Falastiin.

Labada dhinac ayaa bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Pakistan iyo Soomaaliya, waxayna ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ganacsiga, iskaashiga dhaqaalaha iyo isdhaafsiga shacabka.

Waxay sidoo kale ka wadahadleen iskaashiga laba geesoodka ah ee fagaarayaasha badan oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo OIC, waxayna is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan isbeddellada kala duwan ee gobolka iyo caalamka, gaar ahaan Bariga Dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response