Midowga Yurub Oo Ka Digay Khatarta BuRcad-Badeedda Ah Ee Ka Dhacaysa Xeebaha Somaliya.

by admin | Monday, May 6, 2024 | 22 views

Warbixin dhawaan ka soo baxday howlgalka ATALANTA ee Midowga Yurub ayaa walaac ka muujisay khatarta sii kordheysa ee burcad badeeda Soomaalida. Warbixintu waxa ay iftiimisay kororka shilalka kuwaas oo kordhin kara khatarta budhcad-badeedda ee gobolka.

Sida laga soo xigtay Midowga Yurub, burcadbadeedda ayaa lagu soo waramayaa inay bilaabeen afduubka doomaha dheereeya si ay u fududeeyaan weerarrada ka imaanaya degaannada ku yaal meel 600 mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya. Inkastoo aysan jirin wax falal burcad badeednimo ah oo dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay, haddana bixinta madaxfurasho waxay dhalin kartaa mowjado cusub oo afduub ah, sida uu tilmaamay EU NAVFOR ATALANTA.

Howlgalka ATALANTA ayaa ku qiyaasay in ugu yaraan labo kooxood oo burcad badeed ah laga yaabo in ay hadda ka howlgalaan agagaarka xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo si firfircoon isugu diyaarinaya in ay beegsadaan maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha gobolka.

Ciidamada badda Yurub ayaa hoosta ka xarriiqay khatarta joogtada ah ee weerarrada burcad-badeedda, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo talooyinka badbaadada ee maraakiibta ka hawlgasha Galbeedka Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan kuwa u jira 700 mayl-badeed ee xeebaha Soomaaliya.

Walaaca sii kordhaya ee burcad badeeda ayaa imaanaya kadib dhacdo dhawaan dhacday bishii March, markaasoo markab sitay calanka Bangladesh lagu qabtay madaxfurasho dhan 5 milyan oo doolar. Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo madaxfurasho la sheego in la siiyo burcad-badeedda Soomaalida muddo tobanaan sano ah, taasoo muujineysa khatarta kasoo cusboonaatay burcad-badeedda badda ee gobolka.

Digniinta Midowga Yurub waxay xasuusinaysaa caqabadaha iyo khataraha joogtada ah ee la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada badda ee xeebaha Soomaaliya, iyagoo ku boorriyay feejignaan sare iyo u hoggaansanaanta borotokoolka badbaadada ee dhammaan maraakiibta ka hawlgasha aaggaas.

Like it? Share it!

Leave A Response