Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Hortagi Doonaan Hawlgalka Ay Ciidamada Badda Turkiga Ka Wadaan Biyahooda.

by admin | Monday, May 6, 2024 | 23 views

Somaliland ayaa si cad uga hadashay dhul-badeedkeeda, waxaanay sheegtay in aanay ciidamada badda ee Turkiga ka hawlgalin xeebaha Somaliland. Baaqan ayaa daba socda heshiiskii ilaalinta badda ee ay dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo dhaq-dhaqaaqyada badda ee Turkigu ka wado Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siiyey BBC Somali, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Somaliland ay awood gaar ah u leedahay xeebaheeda, waxaanu caddeeyay in aanu Turkigu soo geli karin badda Somaliland. Wasiir Maxamuud waxa uu ku celceliyey in ay Somaliland ku kalsoon tahay in ay si madax-banaan u maarayso oo ay u maamusho degaanadeeda xeebaha ah.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa todobaadkii hore sheegtay inay socdaan wada-tashiyo lagu doonayo in lagu meel-mariyo is-fahamka badda ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Heshiiskan oo muran badan dhaliyay ayaa la filayaa in Itoobiya ay ku kirayso 20 kilomitir oo ka mid ah badda Somaliland, isla markaana ay aqoonsato madax-banaanida Somaliland.

Inkasta oo heshiiska aan weli la dhamaystirin, guddiyada farsamada ayaa si firfircoon uga shaqeynaya faahfaahinta. Heshiiska la filayo ayaa dhaliyay khilaaf, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah. Ururada caalamiga ah, oo ay ku jiraan ururada gobolka ee ku sugan badda cas iyo Midowga Yurub, ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga soo horjeedaan heshiiska la soo jeediyay.

Diidmadaas ka sokow, Somaliland waxay sheegtay inay ka go’an tahay in is-fahamka badda laga dhigo heshiis rasmi ah. Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa dhawaan ka dhawaajiyey faa’iidooyin dhaqaale oo la taaban karo, isagoo sheegay in 30% ganacsiga Itoobiya loo soo wareejin karo dekedda Berbera ee Somaliland marka uu heshiiskaasi si rasmi ah u dhaqan galo.

Doodaha socda iyo mawqifyada kala duwani waxay muujinayaan dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeed ee cakiran ee gobolka iyo caqabadaha ku xeeran heshiisyada badda iyo madax-bannaanida dhuleed.

Like it? Share it!

Leave A Response