Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Bankiga Adduunka ayaa wuxuu saadaasha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya sanadkan 2023-ka ku sheegay in uu ku yimid hoos-u-dhac gaaraya ilaa 2.8 boqolkiiba, marka loo eego xagaagii hore oo uu ahaa 3.6 boqolkiiba. Bankiga ayaa waxa uu caddeeyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu wali u nugul yahay ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee ganacsiga iyo maalgelinta dibadda, kala duwanaanshaha...

Howlgal uu hoggaaminayey Cali Jeyte hoggaamiyaha guud ee ciidamada Macawiisley ayaa shalay kooxda Al-Shabaab looga xoreeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib abaabul culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka. Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in kooxda ay saareen deegaano badan oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Waxaa aad looga soo deyrinaya xaalada nololeed ee dadka ka barakacay fatahaada uu dhawaan ka sameeyay wabiga Shabeelle degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. ⓘ Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge Nuur Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in boqolaal qoys oo ka barakacay fataahada wabiga Shabeelle iney haatan wajahayaan cunto la’aan daran,...

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qof iskusoo xiray waxyaabo qarxa uu isku qarxiyay afafka hore ee xerada TurkSom. ⓘ Qaraxaan ismiidaaminta ahaa ayaa lala beegsaday koox dhallinyaro ah oo safaf dheer ugu jirtay inay qortaan oo ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee Gorgor. Warar horudhaca oo aan helayno waxay sheegayaan, in dadka qaraxa ku dhaamacmay...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo miinooyin ah oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ganacsi oo kala duwan oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho. ⓘ Goobaha ganacsiyada ee qaraxyada miino lala eegtay ayaa laba ka mid ah waxay ku yaalaan jidka 30-ka, gaar ahaan agagaarka laba dhagax. Qaraxa sadaxaad ayaa la tilmaamay inuu ka dhacay goob ganacsi oo...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay saacadahii lasoo dhaafay Tuulada Helo Bacaad oo ka tirsan gobolka Hiiraan. ⓘ Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada is kaashanaya ay ku dileen in ka badan 60 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa...

Ciidamada badda Puntland, ayaa xoojiyey howlgallada xeebaha ee degaanada maamulkaas, ka dib markii kooxaha burcad badeedu ay bilaabeen weeraro ay ku qafaalanayaan doonyaha kalluumaysiga iyo maraakiibta ganacsiga. ⓘ Taliyaha ciidanka badda Puntland Cabdullaahi Maxamed Axmed oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP, ayaa u sheegay in ay laba jibaareen howlgallada ka socda...

Haweeney 70 sano jir ah oo u dhalatay dalka Uganda ayaa dhashay ilmo mataano ah, kadib markii lagu beeray ilmo, sida laga soo xigtay isbitaal ku yaala dalka Uganda. Safina Namukwaya, ayaa umushay wiil iyo gabar kadib markii ay qaliin ku martay isbitaalka Kampala. Waa markii labaad muddo saddex sano ah oo ay umusho. Sanadkii 2020-kii, ayay dhashay gabar. Haweeneydaan oo...

Madaxweynaha Puntland qorshe cajiib ah u dejiyey isku daygiisa ugu danbeeya ee muddo kororsiga.Maalmihii ugu dambeeyey  waxaa caasimadda Puntland ee Garoowe ka socdey dedaalo lagu xalinaayo ismari-waaga ka taagan doorashada Puntland ee loo madlan yahay in ay qabsoonto 8 Janaayo 2024. Xiisadda iyo jaahwareerka waxaa kor u qaadey kadib markii 19 bishii hore ee Nofeembar...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. ⓘ Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Halgan ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa sadax ruux oo kale. Qaraxa miino ayaa...